Askari Ka Tirsan K/galbeed Oo Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa maanta oo Talaado ah waxay xukun dil ah ku riddey askari ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Askariga dilka lagu xukumay waxaa lagu magacaabaa Cali Boorow Maxamed, waxaana la sheegay inuu degmada Buurhakaba ku diley marxuum lagu magacaabayey Qaasim Caddow Xaaji Keyrow, dhaawacayna Labo carruur ah oo marxuumkaasi dhalay, taariikhdu markii ay ahayd 10-10-2016.

Dilkan ayaa la sheegay in askarigan uu si bareer ah ugu geystay marxuumkan, waxaana xukunka uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka sida qeybteeda 60-aad Gaashaanle Aadan Abukar Maxamed ayaa ku dhowaaqay xukunkaan lagu ridey askarigan ka tirsan ciidanka Darwaawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah ehlada marxuumkii la diley oo goob joog ka ahaa halka xukunkaan uu ka dhacayey ayaa soo dhoweeyey xukunkaan oo ay sheegeen in si caddaalad ah uu u dhacay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW