U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Milatariga Somaliland Oo Dil Iyo Dhaawac Ka Geystay Magaalada Boorama

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw naga soo gaaraya magaalada Boorama ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu rasaas ku furay Taliyahii aagga galbeed ee Miltariga maamulkaasi iyo ilaalo la socotay.

Waxa ay wararka intaa ku darayaan in halkaasi uu ku geeriyooday geeriyooday xidigle Faarax Caraalle  waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray Xasan Caqli oo ah taliyaha aagga Galbeed.

Falkaan ayaa ka dhacay xerada Milatariga ee Boorama, halkaasi oo si caadi ah ay uga socotay howlaha shaqada ciidamada.

Gudoomiyaha gobalka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay, islamarkaana uu xiran yahay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in la baarayo sababta ka dambeysay in askarigaan dilka iyo dhaawaca geysto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News