U bood dhigaalka

Askari Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay Isgoyska Carwo Itko, qeybta degmada Warta Nabadda ay ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ragga wax dilay ayaa la sheegay iney qoryo fudud ku hubeysnaayeen, waxaana ay wateen Mootada Labada lug leh, sida ay xaqiijiyeen Goob joogayaal.

Waxaa goobta ka baxsaday raggii dilka ka dambeeyay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada dowladda oo baaritaanno wada.

Daqiiqado waxaa hakad galay isku socodka dadweynaha iyo ganacsigii ka jiray halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News