U bood dhigaalka

Askari Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan ayaa maanta gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ay ku dishay askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada  Nabadsugidda dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana laga helayaa warar dheeraad ah.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda lagu magacaabo  Daadsaney, waxaana askariga la dilay xili uu kasoo baxay masaajid la sheegay inuu salaadda Jimcaha uu ku tukaday.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday ciidamada dowladda ooo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka askariga la dilay, waxaana baaritaan kooban ay ka sameeyeen goobta uu dilka ka dhacay, walow cidna lagu soo qaban.

 

Goobjoog News