ASKARTA ARADANI EED MALEH

Burburkii ku dhacay Soomaaliya kaliya ma saamayn dhismayaasha dowladda iyo laamiyada laakiin waxaa kaloo uu saamayn ballaaran ku yeeshay dhisma jireedka iyo tan maskaxeed ee bulsha weynta Soomaaliyeed .

Ciidamadii uu dalku lahaa waxay isku badaleen kuwa qabiil oo askari walbaa wuxuu galay meeshii uu islahaa naftaada ayaa ku badbaadaysa oo wuxuu daacad u noqday qabqable dagaal iyo oday dhaqameed isku ra’yi ah oo ka turjumaya beeshooda, ciidamaas ma aysan lahayn mushaar la siiyo iyo gunno toona laakiin waxay ku faraxsanaayeen inay isbaaro dhigtaan oo lacag fiican ay kasoo gali jirtay.

Sidoo kale ciidamadaasi ma ahayn kuwa looga fakaro sida kuwii Dowladdii kacaanka oo kale oo laga ilaalin jiray muqaadaraadka iyo daroogada ee waa kuwa xoog kaliya laga rabay oo raadkooda dambe aysan wax dana ka lahayn kuway u adeegayeen.

Intii lagu jiray 20 kii sano ee ugu dambeysay waxaa ciidanimada qaabab kala duwan uga baxay in badan oo ka mid ah kuwii ka haray dowladdii hore taas badalkeedana waxaa kusoo biiray dhallinyaro fara badan oo aan wax tababar ah la siin aan ka ahayn sida xabadda loo rido.

Dhaqanka ciidamadaas intooda badan waa mooryaanimo, wax dhacow, dil iyo kala dambayn la’aan ma jirto cid soo bartay sida ciidamadu u kala amar qaataan iyo talis midna laakiin waxa ay lahaayeen waxay tahay oo kaliya nin dagaal galiya markii colaadi jirto iyo mid sidoo kale isbaarada u maalula

Dowladdu waxay diiwaan galin iyo qaramayn ku samaysay ciidamadii qabiilku lahaayeen ayadoo dhaqan celin aan badnayn loo sameeyay kadibna la hubeeyay loona dhiibay amnigii dalka.

Sidaan wada ogsoonahay ciidamaas waxay ku shaqeeyaan xaalad adag mushaar yari tababar la’aan dhiiri galin la’aan iyo duruufo kale laakiin saas oo ay tahay waxay diyaar u yihiin inay wax qabtaan tabartooduba ha iska yaraatee, laakiin markii dhibaato dhacdo waxaa eed iyo fadeexayn dusha looga tuuraa ciidamadaas awalba daalanaa ayadoo aan loo fiirinayn inay tabari meesha dhigtay iyo inay ayagu ka gaabiyeen.

Eedaymaha loo jeediyo ciidamada Baliiska

Eedaymaha dadka dhacabka ah iyo dowladduba u jeediyaan Ciidamada wadooyinka ilaalada ka haya lana xariira sugidda amaanka oo la leeyahay inay qabtaan ayay ahayd laakiin waa ka gaabiyeen waxaa ka mid ah.

  1. Xilliga ay gaadiidka baarayaan gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda ma baaraan oo waa ka gudbaan wax fal ahna kama muujiyaan taasna waa mid ka mid ah sababa loo sugi la’yahay amaanka magaalada oo qof kasta oo qori wataa maahan ciidan dowladeed baliiskii kala saari lahaana kuma baraarugsana waana eed ay ayagu leeyihiin.
  2. Ciidamadu markay samaynayaan baaritaanka haba ugu badnaato xilliyada habeenkii waxay baabuurta waydiistaan lacag taas oo ah laaluush oo keeni karta in ciidanku uu lacag kaliya dadka ka qaato oo uusan wax ammaan ah ka shaqayn qofkii lacag siiyaa wuxuu raba ha ahaadee uu sii daayo.
  3. Waa rag jaad cuna oo xilliga jaadku soo dhaco wixii ka dambeeya hawl fiican ma qabtaan waxayna u fariistaan jaad cunow meeshii laga rabay inay ammaan sugaan, baabuurtii ay baari lahaayeena indha kaliya ayay ka fiiriyaan oo xataa ma oga wax ku dhex jira, waxaaba dhib ku ah inay istaagaan marka masuuliyaddii loo dhiibay waa dayaceen.

Hadaba eedaymahaas waa kuwa dadku isla dhex maraan ayna ku sheekeystaan xilli kasta oo wax dhacaan iyo mar kasta oo ammaan wax la xariira laysku soo hadal qaado, laakiin waxaa yar dadka u garaabaya ciidanka oo fahansan in sababahaan ay yihiin wax duruufi keentay.

Hadaba markaad aragto qof wax bi’inaya waxaa jira sababo gadaal ka riixaya inuu waxaas haleeyo sidaas darteed ciidamadeena eedaysan waxaa jira eed kale oo ayaguba ay tirsanayaan oo haddaan laga xallin ay ayaguna sidaan sii ahaanayaan hadaysanba kasii liidan.

Dhibaatooyinka Askarta wadooyinka taagan ay qabaan iyo guud ahaan ciidamada waxaa ka mid ah:

  1. Inta badan waxaa taagan isgoysyada magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyaan kuwa wadada Maka-almukaramah ciidan aad u tiro yar oo meelaha qaarkood aad ku arkayso 2 ilaa 3 askari oo taagan oo xataa inay wax baaraan iska dhaafe haddii ayaga lasoo weeraro ay adagtahay siday isku difaacaan,

Ciidan tiro intaas la eg leh oo xataa hubka ay haystaa uu yahay qori AK-47 ah siday ku istaajiyaan ama ku baaraan gaari hubaysan oo ay saaranyihiin 6 nin oo hubaysan markay ugu yaraadaan.

Waxaa mararka qaar dhacda ciidamadu markay cusub yihiin inay isku dayaan inay baabuurtaas oo kale baaraan laakiin markay dhawr jeer halis galaan oo ayaga xataa qori lagu taago waxay ugu dambeyn go’aansadaan inay iska dhaafaan maadaama aysan awood u helayn.

  1. Sidoo kale waxaa yar hadayba jirto xiriirka ka dhexeeya Ciidamada wadooyinka taagan, tusaale ahaan midka taagan isgoyska dabka waxaa laga yaabaa inuusan haysan meel uu kala xariiro askariga kale ee isgoyska Sayidka jooga.

Waxaysan sidoo kale aysan haysan mootooyin ama gaadiid ay uga daba tagaan gaarigii ay ka shakiyaan hadduu ka baxsado ama ka cararo.

  1. Waxaa kaloo ciidanka lagu eedaayaa inay shaxaatamaan oo gacantoodu taagan tahay taas oo ah wax cad oo aan shaki ku jirin laakiin iska soo qaad waxaa tahay askari laamigaas shaqiisu tahay inuu maanta dhan taagan yahay ciriddaas kulul, lacagta aad qaadataana waa $200 markay ugu badnaato waxaa lagaa rabaa masruufka qoyskaada iyo kirada guriga aad ku nooshahay oo ay kuusii dheertahay waxaad cuni lahayd xilliga aad shaqada ku jirto, markaa suura gal makuu tahay inaad lacagtaas isku filnaysiiso waliba aad ku faraxsanaato?

Waxaa hubaal ah markii la fiiriyo xaaladda magaalada Muqdisho in mushaarka uu askarigu qaato uusan la dhaafi Karin 15 bisha waa marka uu dadaalo wixii intaas ka dambeeyana wuxuu ku qasbanyahay inuu xariiftamo ama dadkiisa wax ka dhacsado.

Meeshaasna waxaa ku dayacmaya shaqadiisii oo waxaa Soomaali ku maahmaahdaa “Af wax cunay xishoo” oo ruuxii nacfi uu ku barto wuxuu noqonayaa mid uga soocan bulshada inteeda kale mana jirto sabab uu ku baaro.

  1. Qayilaadda ciidanka iyo laba canlayntooda jaadku waa is maaweelin iyo is hilmaamsiinta xaaladda adag ee ay ku jiraan iyo duruufaha haysta oo noqday lagama gudbaan.

Ruuxa laga yaabo inuu maanta dhan wadada taagnaa ee habeenkiina loogu sii daray shaqana laga rabo inuu qabto bal waxaad sheegtaa qaab uu shaqadaas ku gudan karo oo aan ka ahayn inuu is daroogaysiiyo.

Aragti ahaan ciidanka wadada taagan oo laba nuuc kala ah, odayaal aan jaad cunin kana haray askartii hore iyo dhallin yaro jaadka saaxiib la ah.

Odayaasha waxaa lagu yaqaan waa iska fadhiyaan oo daal ayaa ka muuqda indhaha uun ayay wax ka eegaan halka dhalinyada jaadaysa naftoodu aysan daal la’ayn laakiin waxaad moodaa inay xoogaa kuwa kale dhaamaan.

Duruufahaasi waa kuwa taagan oo aysan jirin cid aan arkin kuna nool Muqdisho ama Soomaaliya waana sababaha la isku eedo oo markay wax dhacaan cidba cid eeddo.

Gunaanad

Waxaan kusoo gunaanadayaa waa in la tix galiyaa oo wax laga qabtaa dufuuraha ciidankaan masaakiinta ah haysta si niyadoodu ay kor ugu kacdo ayna fursad ugu helaan iyo niyad ay wax ku qabtaan.

Waa in laga farxiyaa ayna shaqadooda u arkaan mid xiiso galinaysa oo aysan dareemin inay dayacanyihiin ayna hayaan shaqa tii ugu liidatay.

W/Q:  Maxamed Deeq Taako