U bood dhigaalka

Astana: Wajiga Koowaad Ee Wada Hadallada Dowladda Iyo Mucaaradka Suuriya Oo La soo Gabagabeeyey

Sheeko:Dalka

Waxa la soo gabagababeeyay wajiga koowaad ee wadahadllada ka socdey magaalada Astana kuwaas oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ka jira wadanka Syria.

Wada hadallada ayaa la sheegayaa in weli wax natiijo ah aah laga gaarin, waxay wararka qaar ay sheegayaan uu dhashay dagaal dhanka afka fadhiga koowaad ee wadahadallada .

Waxaa lafilayaa dowladaha wadahadalkaan dhexdhexaadinaya ee Ruushaka ,Iran iyo Turkiga inay soo wada saaraan go’aan  wadajir ah maanta oo Talaado ah.

Madaxa wafdiga dowladda Syria Bishaar Aljacfari wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Syria  ayaa waxay sheegeen  in ay rajaynayaa wadahadlaan inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan,

Kooxa mucaaradda Syria  ayaa Ergo u dirsaday wadahadallada ka socda Astana oo lagu dhexdhxaadinaya dowladaa iyo mucaaradka balse kooxaha hubaysan ee daacishi iyo ururda kale jihad doonka kama qaybgalayaan wadahadlkaan.

Dagaalka ka socda wadanka Syria ayaa waxa uu sababay inay dhintaan dad kor u dhaafaya 300.000 oo qof halka ay kabarakaceen guryahooda 11malyan oo kale.

Goobjoog News