U bood dhigaalka

ATMIS Oo Bandow Ku Soo Rogtay Xerada Xalane

Sheeko:Amniga

Howlgalka midawga afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay xanibaad dhanka dhaqdhaqaaqa ah ay ku soo rogeen xeendaabka xerada Xalane.

ATMIS ayaa sheegtay in ay bandow ay tahay xerada xalane 26-ka bisha illa iyo 28-ka bisha April, xilligaas oo lagu qabanayo teedhada Afisyooni doorashada guddoonka golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xariyadda ATMIS ayaa timid kadib la tashiyo ay la yeesheen xafiiska ra’iisulwasaaraha oo hoggaanka u haya howlaha doorashada dalka.

Doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qabanayo 27-ka bisha ayaa la sheegay in ay ka dhaceyso Afisyooni kadib cabsi amni iyo qalqal gelin siyaasadeed oo laga dareemay hoolka baarlamaanka ee Villa Hargeysa.