U bood dhigaalka

ATMIS oo soo dhaweysay qabsashada Xarardheere

Sheeko:Amniga

Hawlgalka kumeel-gaarka ah ee midawga Afrika ATMIS, ayaa hambalyeeyay hawlgallada ay ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaanno hoostaga maamulka Galmudug.

ATIMIS ayaa sheegtay in ay bogaadineyso hawlgalka Al-shabaab looga saaray deegaannada Galcam Ceel-dheer iyo Xarardheere.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Danjire Souef .

Madaxa ATMIS Souef ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab la jabiyay ciidamada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa ATMIS, lagana guuleystay.

“AS’ waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba” ayuu yiri Madaxa ATMIS.

Image