U bood dhigaalka

ATMIS Oo Sheegtay Sababaha Ay U Xirtay Xalane

Sheeko:Amniga
War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay Xerada Xalane uusan ahayn mid dhibbaato ku ah hannaanka doorashada ee dalka, waxaana ay sheegeen in ay soo dhowaynayaan wax waliba oo ku saabsan doorashada, iyadoo dhaarinta xildhibaannada ay ka dhacayso Xalane.
Bayaanka kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta Ra’iisulwasaare Rooble , qaar kamid ah wakiillada beesha caalamaka iyo guddiga FEIT ay kawada hadleen dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la doortay, kuwaas oo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bishaan April 2022-ka oo ah maalinta guddiga u asteeyay.