U bood dhigaalka

ATMIS Oo Warbaahinta Uu Diidday In Ay Tabiyaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Ciidamada ATMIS ee sugaya ammaanka xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa diiday in shaqaalaha baarlamaanka iyo warbaahinta in ay gudaha u galaan xarunta doorashada.

Saraakiisha ATMIS ayaa ku wargelisay howl wadeenada warbaahinta in ay dib ugu noqdaan xarumahooda, iyagoo sheegay in aysan u ogolaan karin in ay gudaha u fasaxaan.

Aafar iyo labaatankii saac ee aynu ka soo gudubnay waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xaalad kacsanaan siyaasadeed xilli uu markale cirka isku shareeray khilaafka hoggaanka sare ee dalka .

Goobjoog News