U bood dhigaalka

ATMIS: Waxaa naga go’an in aan idinla shaqeeyno si aan u taageerno qorshayaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa mar kale xaqiijiyey inay ka go’an tahay inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan taageeridda waddada nabadda iyo xasilloonida ee Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika  u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ballan-qaad ku bixiyay, markii uu marti-galiyay diblumaasiyiin shisheeye oo la aqoonsan yahay Soomaaliya, wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“ATMIS waxaa ka go’an inay si buuxda u bixiso waajibaadkeeda. Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha ATMIS-ka, militariga, booliiska iyo rayidka, waxaan mar kale ku celinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan si dhow idiinla shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in uu la shaqeyn doono dhammaan bah-wadaagta si loo taageero dadaallada ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ballan qaadayaa in aan taageero iyo ballan-qaad aan kala go’ lahayn aan kula shaqeyn doono dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Maj. Gen. (rtd) Nathan Mugisha, oo ku hadlayay magaca safiirrada ka socda dalalka ATMIS ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku booriyay saaxiibada caalamka inay Soomaaliya ka taageeraan hirgelinta istaraatiijiyadda xasilinta Qaranka ee dhowaan la daah furay.

“Tani waa waqtigii saxda ahaa ee lagu taageeri lahaa dadaallada xasilinta; waxaana rajeyneynaa in faragelinta waqtiga ku habboon ee lagu taageerayo barnaamijkan ay noqon doonto mid guul leh,” ayuu yiri danjire Mugisha.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Nofeembar, SRCC ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Souef, waxa uu waday kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayay dhinacyo kala duwan.

ATMIS waa howlgalka ugu weyn ee taageerada nabada ee Afrika, waxaana loo xilsaaray labada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si loo yareeyo khatarta Al-Shabaab iyo in la taageero dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon.

Goobjoog News