U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliiska oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Kooxo hubaysan ayaa goordhow oo caawa ah waxaa ay xaafadda Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dishay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska federalka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhallinyaro oo si weyn looga yaqaanay caasimadda Muqdisho, waxaana lagu magaacbi jiray Atooraha badda oo caanka ka ah xeebta Liido.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, mana jiro war wali kasoo baxay laamaha amniga.

Goobjoog News