U bood dhigaalka

AUN Faaduma Nakaruma Oo Muqdisho Ku Geeriyootay

Sheeko:Amniga

Allaah U naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanaddi hobalada Waaberi Faaduma Cali Nakaruma.

Nakaruuma ayaa malmaihii u danbeyay waxa ay la xanuun saneysay cudurka Corana Virus taas oo ay maanta ugu geeriyootay isbitaalka Martiini.

Faadumad Cali Nakaruuma ayaa waxa ay doorweyn ka soo qadatay Fanka Soomaalida iyadoo muddo ka badan 30 sano ku jirta Fanka.

Nakaruuma ayaa waxa ay qaadday intii ay fanka ku guda jirtay heesa badan oo hirgalay kuwaas oo isugu jira heeso Wadani, Jaceyl iyo Kuwa guubabo ah .

Aun Maanta ayeey magaalada Muqdisho ugu geeriyootay xanuunka Covid-19 Faaduma Cali Nakaruuma.