U bood dhigaalka

Australia Oo Soomaaliya Iyo Dalal Kale Ka Dalbatay Ku Gacan Siinta Qabashada Hogaanka Xafiiska Xuquuql Insaanka Ee QM

Sheeko:Dalka

Qunsulka guud ee Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhiya dalka Australia Yoonis Yaasiin Xaashi ayaa ka qeybgalay kulan ay qabatay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Australia oo ka dhacay magaalada Melbourne.

Kulankan ayaa lagu marti qaaday dhammaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha ajnabiga ah ee ku sugan dala Australia, iyadoo ujeedada kulankani ahaa sidii dowlada Australia looga taageeri lahaa tartan ay ugu jirto in ay qabato hogaanka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee sanadaha 2018 – 2020.

Mas’uuliyiin u hadlay dowladda Australia ayaa sheegay in ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay u qaban lahaayeen hogaanka xafiiskaasi.

Dowlada Federalka ee Soomaaliya iyo dowladda Australia ayaa leh xiriir fiican, iyada oo dhawaan Australia ay safiir cusub u magacawday Soomaaliya.

Australia waxaa degan qaar ka mid ah qurba joogta ugu tirada badan ee Soomaaliyeed.

Safiiro Qunsul

Goobjoog News