U bood dhigaalka

Maxamed Haaruun

Maxamed Haaruun Biixi, oo shahaadada koowaad ku qaatay Xidhiidhka Caalamiga ah, ta labaad na, Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada, waxa uu sanado badan ka shaqaynayay Arimaha Xuquuqda Aadanaha, si gaar ah na xuquuqda naafada.

Sida kale, Maxamed waa Qoraa sheekooyinka gaagaaban ah iyo turjubaan, sheekooyinkiisa na waxa ka mid ah Col Ku Galay, Cabsi Ku Gu Reeb, iyo Sheekada Qurbejoog; qiso qof, qoys iyo qaran, oo 2012 kii ku guulaysatay kaalinta 1aad ee tartanka Sheeko iyo Shaahid, imika na waxa uu turjumay oo dhawaan soo baxaaya buugga Khasaaraha Kelitaliska iyo Khibradda Soomaaliyeed – The Cost of Dictatorship: and the Somali Experience, oo afka Ingiriis uu ku qoray Janan Jaamac M. Qaalib 1995.