U bood dhigaalka

Jawaabta Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Ee Baaritaanka Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya oo ka koobtan tahay Midowga Yurub
iyo dalalka xubnaha ka ah Norway, Switzerland iyo Maraykana ayaa waxay
si dhow ula socdeen wixii ka soo kordhay warbixintii Human Rights Watch
ee xadgudubyadda iyo faro-xumaynta ay sameeyeen Ciidamada Midowga Afrika
ee Soomaaliya. Kooxda waxaa dhiiri galiyey jawaabtii Midowga Afrika.
Kooxdu waxay qiimeeyaan jawaabta sida taban la isugu dayay ee Midowga
Afrika si ay u baadhaan eedaha xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee
lagu sheega warbixinta HRW. Kooxda waxa dhiirigaliyeye talo soo jeedinta
warbixinta. Hadda,waxaa muhiim u ah Midowga Afrika inay si firfircoon
uga daba tagaan fulintooda. Tani waxay ka dhigan tahay in talaabadda ugu
horaysa ay qaadaan Hawlgalka Taageerada Nabada ee Midowga Afrika (PSO)
la macaamilka wanaagsan. Hadaba, Kooxdu waxay dhiirigelinayaan in
Midowga Afrika ay si deg deg ah u bilaabaan waax madaxbanaan, hawlkar ah
isla markaan si fiican loo qalabeeyey oo dusha kala socota.
Kooxdu waxay hoosta ka xariiqayaan muhiimada ay leedahay in ay wadaagaan
masuuliyadda AMISOM iyo dalalka ciidanku ka joogaan si ay u qabtaan
shakhsiyaadka lagu helo gabood-falka. Waxay ugu yeedhayaan AMISOM TCC
inay hubiyaan masuuliyadda buuxda isla markaana ay fududeeyaan
helitaanka xubnaha si loo baadho dhamaan kiisaska khuseeyaa
shaqaalahooda isla markaana loo baadho dhamaan eedohooda si dhex dhexaad
ah lana hubiyo tilaabo sharci oo ku haboon la qaaday.
Waxaan ku dhiirigelinaynaa Midowga Afrika inay hubiyaan hababka lagu
baadho ee la diyaariyay, inay ilaaliyaan kana jawaabaan arrimaha
anshax-xumad iyo xadgudubyada ee hawlgalka nabada, si waafaqsan
Siyaaasada Midowga Afrika ee aan u dulqaan arrimahan oo kale.
Wali waa muhiin, waxaan intaa sii dheer in uu Midowga Afrika Muqdisho ka
aas aaso Habka Cabashooyinka oo Madaxbanaan, kaas oo sahlaya in
dhibanayaasha xad-gudubyadu ay geeyaan cabashooyinkooda iyaga oo si
buuxda loo ilaalinayo sirtooda si aan loo ugaandhsan. Waxaan
dhiirigelinaynaa SRCC iyo taliyayaasha waaxyaha in ay fariin cad u
diraan shaqaalaha AMISOM in aan loo dulqaadan doonin cagajuglaynta iyo
sheegida dadka ka badbaaday gabood falada. Hawlgelinta Maxkamadaha
Militariga iyo Unuga Agaasimka Marshall si waafaqsan soo jeedimaha waxay
noqonaysaa talaabo muhiim ah.
Waxaan dhiirigelinaynaa unuga ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Jinsiga ee
Midowga Afrika kaas oo hubiya in hawlaha AMISOM loo qabtay iyada oo si
adag loo raacayo Xeerka Caalamiga ah ee Bilow-aadamtinimada iyo Xuquuqda
Aadamaha. Waxaan ugu yeedhaynaa Midowga Afrika inuu hore u qaado
tobabarada dheeraadka ah oo ku saabsan arrimaha xuquuqda aadamaha iyo
jinsiga oo la siiyo hawl-wadeenada iyo shaqaalaha PSO (Iyada oo la
raacayo Hab-raacyada Tababarada Jinsiga ee Hawgalada Midowga Afrika ee
Taageera Nabada) iyo in sidoo kale la hawlgaliyo Kormeerayaasha Xuquuqda
Aadamaha ee Goobaha Colaada.
Kooxdu waxay hoosta ka xariiqayaan masuuliyada in la ilaaliyo Xeerka
Caalamiga ah ee Bilow-aadamtinimada iyo Xuquuqda Aadamaha ee Soomaaliya.
Dhamaan waxaa loo siman yahay hay’adaha amniga iyo ciidanka qalabka
sida ee dalka ka shaqeeya. Kooxda HRWG waxay ugu yeedhayaan Dawladda
Federaalka Soomaaliya inay bilowdo Qorshaha Hawlgalka Qaranka ee ka soo
horjeeda xad-gudubyada jinsiga iyo damaanad qaadka isticmaalka nidaamka
sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dhibanayaasha iyo dadka khatarta ku
sugan.
AMISOM iyo Ciidanka Amaanka Soomaaliya waxay qayb muhiim ah ka qaataan
in la sameeyo xaaladaha sahlaya in Soomaalidu ay awood u yeeshaan kuna
raaxaystaan xuquuqaha aas aasiga ah. Bulshada Caalamku waxay sii
wadaysaa inay si dhow ugala shaqeeyaan AMISOM iyo Ciidanka Amaanka
Soomaaliya amuurtani iyo in ciidanku ku dhex shaqeeyaan nidaamka
xuquuqda aadamaha. /