U bood dhigaalka

Awoodsiinta Maskaxda Da’yarta: Sheekada Macallimad Dadaal Badan, Faaduma Ismaaciil

Sheeko:Dalka

Faaduma Ismaaciil uma qorsheysneyn in ay noqoto macallimad. Faaduma waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaadatay cilmiga caafimaadka, inkastoo ay qabtay dareen ah in ay raaci doonto waddadii aabaheed iyo walaalkeed oo Macalimiin ahaa, si ay u noqoto bare.

Faaduma waxaa u muuqday sida ay bulshadu u qaddariso macallimiinta iyo saameynta ay macallimiintu ku leeyihiin ardayda.

“Waxbariddu ma ahan shaqo fudud, mana ahan xirfad ay kaa soo galeyso daqli badan,” Faaduma ayaa sidaas tiri.  “Laakiin waa shaqo sharaf leh, sababtoo ah waxaad joogta madal aad wax ku barto, kuna dhiirrigeliso jiilka dhallinyarada ah.”

Si ka soo horjeeddo filashayooyinkii saaxiibbadeeda, qoyskeeda iyo shahaadadii jaamacadda ee cilmiga caafimaadka, Faaduma waxay gashay xirfadda waxbaridda, waxayna dooratay in ay ka shaqeyso dugsiga hoose ee Al-Nuur Primary School oo ku yaalla Yaaqshiid. Markii ugu horreysay, xirfaddeeda cusub ee fasalka ma aheyn mid sahlan, waxayna ku khasbaneyd in ay la timaado xal.

Ka macallimad cusub ahaan, Faaduma waxay la kulantay caqabado ay kamid yihiin – maareynta fasalka iyo hubinta in arday kasta uu si wanaagsan u dhaqmo oo uu ahaado mid la socda, waxna barta. Si ay wax uga qabato howlahan adag, waxay raadsatay talada iyo taageerada saaxiibbadeeda shaqada ee khibradda badan leh. Waxay ka qeybgashay dhowr tababar oo uu soo qaban qaabiyey barnaamijka USAID ee Bar ama Baro, kuwaasoo diirradda saarayey habab kala duwan oo ku wajahan waxbaridda iyo maareynta fasalka.

Go’aan qaadashadeeda, shaqo badnideeda iyo ka go’naanta ay ka go’aneyd xirfadeeda, Faaduma waxay ka gudubtay caqabadaha ay wajahaan barayaasha cusub sideeda oo kale. Waligeed kama quusan in ay gaarto yoolkeeda ah in ay u horseeddo isbeddel togan nolosha ardaydeeda, waxayna ku taagtahay in ay sii waddo hormarinta mihnadeeda waxbaridda.

Faaduma waxay u aqoonsan tahay tababarkii Bar ama Baro in uu u ahaa fursad qiimo badan oo iyada iyo saaxiibbadeeda shaqada ay ka faa’ideen islamarkaana kor u qaaday xirfadahooda waxbaridda, iyo inuu ka caawiyay hab cusub oo hal-abuur leh oo ay wax ku bari karaan, kulana macaali karaan ardaydooda fasalka gudihiisa.

Bar ama Baro “waa barnaamij si wanaagsan looga baahnaa dalka, wuxuuna u keenayaa isbeddel la taaban karo nolosha arday badan oo sabool ah, kuwaasoo aanan awooddin in ay helaan waxbarasho dhaqaale xumo awgeed,” Faaduma ayaa sidaas tiri.

Dibadda fasalka, saameynta Faaduma ayaa laga dareemay bulshadeeda oo dhan. Waxay ku faaneysaa shaqadeeda, waxayna dhiirrigeliye iyo qof lagu daydo u noqotay dhallinyarada, gaar ahaan gabdhaha oo u arka tusaale waxa qofku gaari karo marka uu la yimaado shaqo adag iyo ka go’naansho.

“Ardaydeyda iyo dhallinyarada xaafadda badanaa waxeey iigu yimaadaan taageero kasta oo ay uga baahan yihiin dhinacyada nolosha gaar ahaan waxbarashada,” Faaduma ayaa tiri sidaas. “Marka kasta oo ay ii yimaadaan way dhoola-caddeeyaan, aniguna waxaan la wadagaa aqoonteyda iyo waayo-aragnimadeyda ku saabsan sida ay u hormarin karaan waxbarashadooda.”

Sida aabaheed iyo walaalkeed, maanta Faaduma waa shakhsi loo aqoonsan yahay in ay tahay mid kamid ah macallimiinta ugu kartida iyo xushmadda badan bulshadeeda. Guusha sheekadeeda waxay marqaati ka tahay awoodda ka gungaaridda yoolka, shaqo badnida iyo ka go’aanshaha in ay horseeddeyso isbeddel togan oo aad ku sameyn karto nolosha dadka kale.

Iyadoo 25-jir ah, Faaduma waxay kasbatay xushmadda saaxiibadeeda shaqada, uma aysan kasban oo keliya in ay jecashahay xirfadda waxbaridda, laakiin waxay ku kasbatay ka go’naanshaheeda aan dhamaadka laheyn ee ay ugu jirto guusha ardaydeeda.

Goobjoog News