U bood dhigaalka

Axmed Cabdisalam Xaaji Adan oo Muqdishu Ka Shaaciyay Murashaxnimadiisa+Sawiro

Sheeko:Dalka

Axmed Cabdisalaan  ayaa maanta kulan ka dhacay Muqdishu ka shaaciyay mar kele Murashaxnimadiisa  gobolada dhexe, Waa markii labaad uu si rasmi ah u shaaciyo in uu yahay murashax gobolada dhexe.

Danjire Axmed Cabdisalaan ayaa May 21, 2015-kii Magaalada Cadaado ugu dhawaaqay in uu yahay murashax u taagay madaxtinimada Gobolada dhexe.

Kulankan Muqdishu waxaa kasoo qeyb galay Nuur Cadde iyo Cali Maxamed Geedi oo labaduba horay usoo noqday Ra’isul wasaareyaal, waxaa kaloo kasoo qeyb galay Wasiiro hore sida Cabdiwaaxid Gonjeex, Cabdulahi goodax Barre iyo Khadiijo Maxamed Dirie.

Kulanka oo aad u weynaa waxaa joogay Xildhibaano hore iyo kuwoo hadda ku jira Baarlamaanka Federaalka, Odayaal dhaqameed, Haween iyo dhamaan qeybaha bulshada.

IMG_4801 IMG_4753 IMG_4745 IMG_4797 IMG_4789 IMG_4782 IMG_4774