U bood dhigaalka

Axmed Cali Saalax: Aabahey Guriga Ayaa Lagu Dilay Isaga Oo Hubeysan

Sheeko:Dalka

Axmed Cali Cabdalla Saalax oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Yeman ayaa sheegay in aabihiis lagu dilay guriga isaga oo hub wato kooxdiisana ay la socdeen.

Axmed waxaa uu sheegay inay been abuur tahay warka ka soobaxay wasaaradda gudaha ee raacsan kooxda Xuutiyiinta kaasi oo ahaa in Cali Cabdalla la dilay isaga oo isii cararayo gobolka uu ku dhashay ee waqooyiga magaalada Sancaa.

Waiilka uu dhalay Cali Cabdalla Saalax ayaa ballan qaaday in laga hortagi doono cadowga dalka, isaga oo intaas ku daray in Xuutiyiinta yihiin cadowga dalka iyo bani’aadanimada, oo isku dayaya in ay gumeystaan dalka Yemen.

Hadalka Axmed Saalax ayaa ku soo beegmaya xilli galabnimadii Axadda aheyd ay aabihiis ku dileen kooxda Xuutiyiinta ah magaalada Sanca, waxayna ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen inay dileen isaga oo u sii baxsanaayo magaalada Sanjaa ee uu ku dhashay, balse wiilka uu dhalay ayaa qaadacay warka ka soobaxay wasaaradda arrimaha gudaha ee raacsan Kowthiyiinta waxaa uuna sheegay in aabihiis guriga lagu dilay.

Goobjoog News