Guddomiyihii hore ee Wadajir Axmed Xassan(Daaci) ayaa ka war bixiyey weerar ay saaka ciidanka nabad sugidda dowladda  iyo kuwa AMISOM ku soo qaadeen hoygiisa.
Axmed Daaci ayaa Goobjoog FM u sheegay in lagu soo qaaday weerar gar darro ah, uuna iska difaacayo askarta soo weerartay.
Guddoomiyihii hore ee Wadajir ayaa intaa ku daray in dagaalku uu bilowday saqdii dhexe ee xalay.
Lama oga ilaa haatan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka saaka oo ahaa mid culus, waxaase la tilmaamayaa in ay jirto wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.
Halkan ka dhageyso wareysiga Axmed Daaci,
Wixii warar ah ee ku soo kordhana kala soco wararkeena dambe.