U bood dhigaalka

Axmed Fiqi Oo Iska Casilay Wasiirka Amniga Galmudug

Sheeko:Amniga

Wasiirkii amniga Galmudug Xildhibaan Axmed macalin Fiqi ayaa maanta iska Casilay xilkii wasiirnimo kadib Khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Axmed qoorqoor.

Axmed fiqi aya qoraal uu ku daabacay bartiisa facebook waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyay kala aragti duwanaan ku aadan sida ay Galmudug uwajahayso Ciidamada Ahlusunna oo jimcii hore la wareegay magaalada gurceel.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya” ayuu yiri fiqi.

Xildhibaan fiqi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoorqoor inuu galmudug la doonayo colaad uu dhiig ku daato “ qorqoor waxa doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas”

Iscasilaada Wasiirkii amniga Galmudug ayaa kusoo adaysa iyadoo Maamulka uu hogaamiyo Qoorqoor uu wado Guluf ka dhan ah Ciidamo uu wato Sheekh Shaakir oo koowdii bishan October gudaha uagalay magaalada Guriceel.

GOOBJOOG NEWS.