U bood dhigaalka

Axmed Macalin Fiqi “Al-shabaab Waxaa Lagu Iloobay Deegaano Ka Mid Ah Gobalada Dhexe” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Axmed FiqiAxmed Macalin Fiqi oo ah agaasimahii hore ee ciidamada Nabad sugidda Qaranka kana mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka loo sameynayo gobalada Mugu iyo Gal-gaduud ayaa sheegay in Al-shabaab xilligaan ay yihiin kuwo lagu iloobay deegaano ka mid ah gobalada Dhexe.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay haystaan deegaano muhiim ah mid ah gobaladaasi, isaga oo sheegay in weli halkaasi aanay ku arag dagaalo culus oo deegaanada iyo dadka ay heestaan looga saaro waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Al-shabaab waa cadowga Soomaaliya, waa cadowga Dowladnimada, waa Koox Argagaxiso oo nabad iyo Horumar u diidan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana runtii ay tahay oo lagu iloobay oo tol la’aan iyo hiil la’aan ay heshay deegano ka tirsan gobalada dhexe oo deegaano waaweyn ay ku hareeresanyihiin, sida Ceel-buur, Gal-hareeri, Xarardheere, Ceel-dheer Masago waa ilaa meelo badan, deegaan aad u baaxad weyn iyo dad tiro badan ayeey xoog nooga haystaan, Lambar Kow qorshahayga  waxa uu yahay in deegaankaasi uu gacanta soo galo, waxaana adeegsan donnaa ciidamada geesiyadda ah, ee la’aas aasi doono ee hadda saldhiga u noqon doonaan sida aan horay u sheegay, ciidamada Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb iyo Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca, iyo deegaanka qabaa’ilka kale oo degan ciidamo laga keenayo, ciidan dheeli tiran oo xambaarsan fikrad wadaniyadeed, oo ka gudbay qabiil iyo deegaan ama maamul yar oo kaligiis ah, ciidankaasi markii la helo waxaan aaminsanahay in Al-shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ee dhibaatada ku haaya deegaanka in cagta la marin doono, muddo Kooban ayeeyna noqon doontaa arintaasi” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale Fiqi ayeeynu wax ka weydiinay arimaha ku aadan Burcad Badeeda, waxaana uu sheegay in ay yihiin mushkilad caalami ah, ayna saameeyeen nolosha dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan ayna sare u kiciyeen raashiinkii quudul daruuriga ahaa.

Halkaan Hoose ka dhageyso

 

Goobjoog News