U bood dhigaalka

Axmed Macalin Fiqi oo Ololohiisa Doorashada Gobolada Dhexe Ka Bilaabay Cadaado

Sheeko:Dalka

Axmed Macalin Fiqi oo ah murashax u taagan madaxweynimada maamulka gobolada dhexe ee dhawaan lagu wado in halkaasi  laga dhiso ayaa maanta ka degay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Dadka magaalada ayaa ugu hortagay Axmed iyo waftigiisa meel magaalada u jirta 2o KM,  iyaga oo kusoo dhaweeyey caleemo qoyan iyo wajiyo faraxsan.

Khudbad uu shacabka u jeediyay Fiqi waxaa uu sheegay in haddii la doorto uu wax ka qaban doono Amaanka, horumarka adeegyada bulshada, isagoo lagu wado inuu kulamo gooni gooni ah la qaato Mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan halkaas.

Axmed waxaa uu qeyb ka yahay Murashaxiin Lix gaaraya oo ilaa iyo hadda isu soo taagay Madaxtinimada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya kuwaas oo kala ah: Cabdisamad Nuur Guuleed, C/raxmaan Maxamed Nuur (Diinaari), Cabdi Cawaale Qeybdiid, Cali Cabdulle Axmed Tooyo, Abdiwali Jama Warsame iyo Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa Xaflad balaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho December 20, 2014-keedii ku sheegay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee gobolada dhexe, Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u ahaa agaasimihii hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya.

Dhinaca kale gudiyadii maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo dhawaan la doortay kana kooban lix xubnood ayaa kulamo ku leh magaalada Muqdishu, gudigan ayaa lagu wadaa in ay tagaan Gobolada dhexe si ay ula socdaan howlaha qaban qaabada doorashada.

Goobjoog News