U bood dhigaalka

Axmed Macallin Fiqi “Dagaalka Dhuusamareeb Waa Ceeb Usoo Hoyatay Dadka Deggan Deegaannadaasi”

Sheeko:Dalka

Xoghayaha xisbiga Daljir Axmed Macallin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud, isaga oo sheegay in dagaalkaasi uu yahay ceeb usoo hoyatay shacabka ku nool deegaannadaasi.

Waxa uu sheegay in dadka maatida ah ee lagu dul dagaallamayo ay tahay wax aan la aqbli karin, islamarkaana laga wada xisaabtami doono wax walbo oo shacabka lasoo gaarsiiyay.

Degmada Dhuusamareeb ayuu sheegay inay ahayd meel xasilloon, hase ahaatee xisaab adag la gelin doono cid walbo oo dagaalkaasi ka dambeysa.

“Dagaalka Dhuusamareeb waan ka xunnahay waa ceeb weyn usoo hoyatay dadka deggan deegaannadaasi, cid walba oo dagaalkaasi ka dambeysa waa lala xisaabtami doonaa, dhiigga shacabka ma ahan wax sahal inta lagu daadiyo hadane lagu kala aamuso” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Ahlu-sunna Waljameeca in ay xaaladda qaboojiso islamarkaana ay eegto danaha shacabka, sidoo kalena waxa uu fariin u diray maamulka Galmudug oo uga digay inay ku lug yeeshaan dagaalladaasi.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ahlu-sunna iyo ciidan uu wato sarkaal horay ugu soo goostay isla Ahlu-sunna ayaa habeen hore illaa shalay ka socday degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News