U bood dhigaalka

Axmed Macallin Fiqi: Warka Goobjoog Ay Sheegto Maalinta Kale Ayeey Idaacadaha Kale Sheegaan

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee xisbiga Daljir Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ahaa madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay munaasabadda sanadguuradii 4-aad ee aas aaska Goobjoog ayaa ku dheeraaday ka hadlay waxa uu ka yaqaan Idaacadda iyo sida ay bulshada ugu adeegto.

Waxa uu sheegay Fiqi in Idaacadda Goobjoog ay aad u dheerayso islamarkaana wararka ay kaga horeyso warbaahinta kale ee dalka.

“Wararka Goobjoog markaan maanta oo kale aragno ayeey Idaacadaha kale berry oo kale soo sheegaan, waana ku amaanayaa, waa dadaal aad u badan oo la bixiyey, waana Idaacad horay u socotay” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu kula dardaarmay Idaacadda Goobjoog inay dadaalkeeda intaan kasii badiso.

Goobjoog News