U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab Waxaan Billaabeynaa Bisha July”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay bisha soo aadan ee July billaabi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in la gaaray waqtigii Al-shabaab laga saari lahaa dhamaan deegaannada Jubbaland.

“Qorsha dagaal ee aynu damacsannahay waa bisha July, Al-shabaab wixii bishaasi ka billawday masii joogi doonaan deegaan ka mid ah Jubbaland” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in kahor bishaasi ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM wadi doonaan baacsiga saraakiisha sarsare ee Al-shabaab.

“Kahor bishaasi waxaa la eegan doonaa saraakiishooda oo wixii sarkaal ah ugaarsi baa lagu dili doonaa, qaarkoodna in la dilay waadba maqasheen”

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ka mid ah gobollada dalka.

Goobjoog News