U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Haloo Soo Jeesto In Lala Dagaallamo Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in si wadajir ah loola dagaallamo Xarakada Al-shabaab.

Mr Madoobe oo ka hadlay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in taasi ay tusineyso shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab aanay dan ka lahayn shacab iyo dowlad intaba waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu  ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan mar walbo  ka fikirin danahooda balse ay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

“Siyaasiyiinta Soomaalida waxaan leeyahay haloo soo jeesto in lala dagaallamo Al-shabaab, waad aragtaan maalin walbo shacab aan waxbo galabsan ayeey dilayaan, meello kale ayaad mashquul ku tihiin Argagaxisada shacabkii wey laayeen” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkaan Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ahayd Labo qarax oo is xigxigtay ay ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kale duwan.

Goobjoog News