U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Iyo Michel Keating Oo Ku Kulmay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michel Keating ayaa kulan looga hadlay arrimo dhowr ah ku yeeshay magaalada Kismaayo.

Keating oo shalay tagey Kismaayo ayaa madaxweynaha Jubbaland kala hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan.

Wakiilka ayaa sheegay in hadda maamulka Jubbaland sameeyay horumaro dhan walbo leh, isaga oo bogaadiyey horumarkaasi.

Axmed Madoobe oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Mr Keating ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka iyo amniga guud.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel Keating oo xalay ku hoyday Kismaayo ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin dhowr ah oo Jubbaland ka tirsan.

Hoos ka arag sawirada

M4 M3 M2 M1

Goobjoog News