U bood dhigaalka

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo Hadalo Siiyey Saxaafadda

Sheeko:Dalka

2Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo maanta ku kulmey magaalada Kismaayo ayaa hadalo kooban siiyey saxaafadda xili halkaasi uu booqasho ku tagay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Axmed Madoobe oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegey in uu si diiran usoo dhaweynayo waftiga Shariif Xasan, kuna soo dhaweynayo “gurigoodii” sida uu hadalka u dhigey.

“Anaga waan idinka horeyney maamul ahaan, waxaa faraha noo godey Puntland, anagana idinka ayaan idiin loox jiideynaa” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sidoo kale sheegey in waxyaabo badan ay ka wada hadli doonaan labada dhinac.

Axmed Madoobe ayaa sheegey in waftiga Shariif dad badan oo ka mid ah uu ku jiro xusul duub, dhanka Jubbaland uu ka jiro xusul duub kale, balse uu rajeynayo in wax kasta laga wada hadlo si saraaxad leh.

Mar uu ka hadlayay nidaamka federaalka ayuu sheegey in sababo cad oo la ogyahay ay ku timid in dalka uu federaal qaato.

Shariif Xasan oo hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegey in labada maamul ay noqdaan kuwa daris wanaag ah, dadkana ay wada dhex arkaan danahooda.

Waxa uu Shariif sheegey in maamulada ay noqdaan kuwa wax soo kordhiya, dowladana siiya talooyin wanaagsan.

“Anaga federaalka waxaan ku fikireyney 50 sano ka hor, hadda inagii haddii aan maamul goboleedyo hogaamineyno waa illaahay mahadiis” ayuu yiri Shariif.

Labada hogaamiye iyo gudiyo labada maamul ka kooban ayaa maalmaha soo socda ka wada hadli doona arrimo dhawr ah oo la xiriira awood qeybsiga xili ay jiraan tabashooyin labada dhinac ah oo xagga beelaha ah.

Goobjoog News