U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Iyo Wafdi Jarmal Ah Oo Ku Kulmay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose kula kulmay wafdi ka socday dowladda Jarmalka oo ay hoggaamineysay safiirka dalkaasi ee Soomaaliya Jutta Frasch.

Kulanka ayaa ahaa mid arrimo badan looga hadlay, waxaana ugu weynaa waxyaabahii ay Labada dhinac ka shireen arrinta ku aadan taakuleynta dadka danta yar iyo barakacayaasha.

Safiir Jutta Frasch ayaa sheegtay in dowladda Jarmalka ay gacan ka geysan doonto sidii ay Jubbaland uga caawin lahayd arrimaha dadka barakacayaasha ah, qaxootiga kasoo laabanaya Kenya iyo arimo kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Jarmalka ay ka filayaan tageero dhan walbo leh sida gacan siinta dadka kasoo laabanaya xeryaha dhadhaab iyo arrimo kale.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda Jarmalka in ay Jubbaland ka gacan siiso howlaha dib ula wareegista deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland oo dhowaan uu sheegay in duulaan ay ku yihiin.

Goobjoog News