Axmed Madoobe: Natiijada Madasha Doorashada 2016-ka, Dowladda Federaalka ayaa yeerisay, Beesha Caalamkana waa Ku Raacday”.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in reer Jubbaland ay wax badan ka sugayeen shirka madasha, isagoo intaa raaciyay in arrinta laga tashanayey uu ahaa mid ay ku jirtay maslaxadda umadda.

Axmed Madoobe waxaa uu carabka ku dhiftay in ay Jubbaland gogol dhigtay isla markaana madaxdii hogaamiyeyaasha ay ku guul-dareysteen in ay heshiiyaan isagoo sababta ku sheegay in aan asalka laga hadlin ee qof walbo oo ka hadlay arrin deegaankiisa soo qoreen ama rabaan.

Madoobe waxaa uu sidoo kale soo qaaday in shirka Muqdisho ay aheyd mid ay u yeereen beesha caalamka, natiijada shirka ka soo baxayna ay aheyd mid ay soo jeediyeen dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka ay ku raacday.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu dadka u sheegay in dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka ay iman doonaan gobolada dalka isla markaana loo baahan yahay in shacabka ay markaa jawaab ka bixiyaan.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in wax walbo ay ka muhiimsan tahay midnimada dalka ee aanay habooneen in umadda ay madaxdeeda jujuubaan ee aanay meesha laga saarin qofka kasta oo oran waayo Kac iyo Tani wax kama jiraan.

Goobjoog News.

Related Articles

51 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW