U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Amray Soo Qabashada Raggii Dilay Suldaan Rashiid Durre

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa ka hadlay dil xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa waxgaradka aadka looga yaqaan Jubbaland.

Wuxuu sheegay madaxweyne Madoobe iney aad uga xunyihiin falkaasi, isaga oo tacsi u diray ehlada Suldaanka, wuxuuna sheegay in Suldaanka ahaa shaqsi kaalin mug leh ka qaatay nabadeynta Jubbaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa faray laamaha ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigaan cid walbo oo dilka Suldaanka ka dambeysay.

Suldaan Rashiid Durre ayaa la dilay xalay Salaaddii maqrib kadib, waxaana toogtay qof la sheegay inuu ku hubeysnaa qori AK-47.

Goobjoog News