U bood dhigaalka

 Axmed Madoobe: Baarlamaanku Haku Ixtiraamo Madaxweynaha Go’aanka uu Ku Xushay Ra’isul Wasaare Kheyre

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo Khamiistii kulan la qaatay xildhibaannadii dowladda federaalka ugu jiray Jubbaland ayaa xildhibaannada u sheegay iney la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub ee la magacaabay go’aanka madaxweynahana ay ku ixtiraamaan.

Kulankana oo uljeedkiiska lagu sheegay inuu ahaa bogaadin, dhiirigelin iyo talo siin xildhibaannada ku waajahaneyd ayaa madaxweynuhu ugu baaqay xildhibaannada iney taageeraan ra’isul wasaaha cusub ee la magacaabay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xildhibaannada ugu baaqay iney ku ixtiraamaan madaxweynaha go’aanka uu kusoo xushay ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Madaxweynaha waan kala talayiyay ra’isul wasaaha, talada aan siiyay waxay ahayd qof aad wadashaqeyn kartaan ee aydaan is qabqabsan karin, haddaad tiraah sanadwalba ra’isul wasaar ayaan bedelayaa waxaa ka wanaagsan inaad marka hor ka fiirsato, arrinta Ra’isul wasaaraha waan ugu hambalyaynayaa inuu madaxweynuhu soo dadajiyo, Xasan Cali Kheyre waa nin aan aqoon u leeyahay shakhsiyan waa nin aan is leeyahay waa nin hufan, waxaan leeyahay isaga Alle ha u fududeeyo idinka xildhibaannada ahna madaxweynaha aad doorateen cidda uu la yimaaddo inaad ku ixtiraamtaan”.

si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ra’isul wasaarihiisa u magacaabay Xasan Cali Kheyre iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabistiisa dowladgoboleedyada dalka.

axmed madoobe axmed madoobe1

Goobjoog News