U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Ciidanka Ku Booqday Furimaha Dagaalka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada qalabka Sida ee ku sugan jiida hore dagaalka ee gobolka Jubbada hoose.
Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan aaga dagaalka  ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed ugu jira difaaca hore.
 Madaxweynahua ayaa  sheegay in dowlada federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgallo midaysan oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin sidowlad goboleedka Jubbaland.
Goobjoog News