U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ka Digay In Dalka La Geliyo Qalqal Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka digay in dalka la geliyo qalqal siyaasadeed, islamarkaana dib u dhac ku yimaado howlihii dalka lagu horumarin lahaa.

Waxa uu sheegay Madoobe in dowladda looga baahan yahay iney dib u eegto xaaladda dalka ku jiro, iskana ilaaliso wax walbo oo dib u dhac keeni kara.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in waxyaabihii soo dhacay ee mooshinnada iyo wixii la xiriiraba aan loo baahneyn in mar kale yimaadaan, islamarkaana muhiim ay tahay in dalka horey loo dhaqaajiyo.

“Waxaanasiib darro ah in wadanka maalin walbo uu galo qalaaso siyaasadeed iyo qalaaso dastuur, dhammaan waa wax dhibaato ku ah jiritaanka wadanka iyo wixii la hiigsanayey, arrimahaasi waa arrimo u baahan in dowladda dhexe ka fekerto oo ay is weydiiso” ayuu yiri Madoobe.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaaa dowladda ugu baaqay in ay dib u xisaabtanto, wadankana aan la gelin qalalaase dambe.

Goobjoog News