U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Dalka iyo Arrinta Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub iyo isbadalka  lagu doortay Xasan Shiikh Maxamuud 15-kii bisha May 2022-ka,  isagoo xusay in mudo la sugayay gabagabada doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay, laga bilaabo doorashada labada gole iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka.
Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Axmed  ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah e Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada, Farmaajo ayaa waxaa xumaa cilaaqaadka kala dhexeeyay dowlad goboleedka Jubbaland, kadib ismari waagii gobolka Gedo ciidamada dowladdu gaysay.
Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayd ee ay soo qabteen doorashada.
Dhinaca kale ayuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo Madaxweynahu wuxuu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa ee aan qusayn bulshada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana uusan  jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya golaha deegaan iyo maamulka sare.
Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono, kadib sanado gobolka uu ka go,naa Jubland inteeda kale.
Goobjoog News