U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Kormeer Ku Tagay Xeradii Ciidan Ee Dhawaan Al-shabaab Weerarka Ka Geysteen (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, ka dib safar uu ku maqnaa Nairobi ayaa waxa uu kormeer ku tagay xeradii ciidan ee 20-kii bishaan weerareen Al-shabaab, taasi oo ku taalla magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa kulamo la qaatay saraakiisha Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo uu ka xog wareystay sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in uu ka xunyahay askartii tababarka u socday ee weerarkaasi ku dhintay iyo sidoo kale kuwii dhaawacmay intaba.

Madoobe ayaa sheegay in dadaalka lagu doonayo in lagu sameeyo ciidamo qaran oo isku dhaf ah aysan wax carqalad ah ku imaan doonin, Al-shabaabna laga saari doono meelaha ay ka joogaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa weerar Ismiidaamin ah waxaa lagu qaaday xarun lagu tababaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka, taasi oo ku taalla Jaamacadda magaalada Kismaayo.

K6 K5 K4 K2 K1

Goobjoog News