U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehalada dad alshabaab ay ku dileen gobalka Hiiraan.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn murugada la qayb saday dadka ay dhibta soo gaartay.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday  Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan,” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha ahaa sheegay in aysan ururka alshabaab kala soocin dadka.

“Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena,” Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shacabka ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaalada isxilqaanka ah ee ka dhanka ah kooxdaas.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in loo midoobo dagaalka Alshabaab.

“Habka kaliyah ee Argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan,” Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Goobjoog News