U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ku Celiyay In Dhowaan Qaadayaan Dagaallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa mar kale waxa uu ku celiyay in dhawaan deegaannada maamulkaasi ka taliyo ka billaabayaan dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in ay diyaar yihiin ciidankii qaadi lahaa dagaalladaan ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, si maamulkiisa uu u hanto gacanta ku haynta guud ee goballada Jubooyinka iyo Gedo.

“Ciidamada Jubbaland waxay u diyaarsan yihiin in cadowga ay kasoo saaraan deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, howlgalkaan waa mid dhawaan si toos ah u billaaban doona, waxaana kaashan donnaa ciidanka AMISOM” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda Imraadka Carabta oo dhawaan safar uu ku tagay kala soo hadlay arrimo badan  oo ku saabsan amniga, maalgashiga iyo taageerada dowladaasi u fidineyso Jubbaland.

Sidan oo kale dhowr jeer madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku celceliyay in ay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News