U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga doorashooyinka Jubbaland .

Axmed Madoobe ayaa warbixino ka dhageystay guddiga xilli dhawaan deeganada maamuulkaas ka bilaaban doonto doorashada labada gole ee baarlamaanka.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobaleedka Jubbaland.

Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu yiri  “Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan, Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay”.

Jubbaland ayaa lagu wadaa ay noqoto maamulka ugu horeeyo ee lagu qabto doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News