U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Laba Bil Loogu Daray Soo Magacaabista Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta Laba Bil dheeraad ah siiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, si uu usoo magacaabo golahiisa wasiirada ee bedali doona kuwa hadda jira.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa ku kulmay xaruntii Caymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana kulanka ku sugnaa 59 mudane, iyadoo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Seddaxaad ee baarlamaanka  Jubbaland Aadan Khaliif.

Codeynta oo ahayd gacan taag ayaa 54 mudane waxay u codeeyeen in muddo Laba Bil ah loogu daro Axmed Madoobe, si uu wasiirada usoo magacaabo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka dalbaday baarlamaanka Jubbaland in muddo dheeraad ah la siiyo, waana markii Labaad oo la siinayo muddo kordhin uu kusoo xusho wasiiradiisa.

Sababta ugu weyn ee madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu dhiganayo soo magacaabista xubanaha wasiirada ayaa lagu sheegayaa dib u heshiisiinta ka socota Gobalka Gedo.

Goobjoog News