U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Lagu Soo Dhoweeyay Dhoobley+Sawirro

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyay madaxweynaha  iyo wafdigiisa.
Maamulka Degmada, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa qeyb ka ahaa soo dhweynta hoggaamiyaha Jubbaland  iyo wafdigiisa ee gaaray degmada  Dhoobley, waxaana xusid mudan in   todobaadkii hore ay marti gelisay shirka wasiirrada.
Golaha wasiirrada ee Jubbaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley oo gobolka Jubbada hoose ah iyo Buurdhuubo oo gobolka Gedo ah ay kamid noqdaan degmooyin rasmiga ah ee dowlad goboleedka.
Madaxweynaha Axmed Madoobe  ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada, kuwaas oo dhowaan noqday degmo buuxda una baahan adeegyada dowliga ah.
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and sky
No photo description available.
May be an image of 11 people, people standing, aircraft and outdoors
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people sitting, people walking, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
Goobjoog News