Axmed Madoobe “Puntland Waxaa Qasab Ku Ah Inay Aqoonsato Galmudug”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay in ay aqoonsadaan maamulka Galmudug State, Galmudug iyana ay ixtiraamto maamulka Puntland maadaama uu ka horeeyay.

Hadalkaan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay shirkii lagu heshiisiinayay maamullada Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.

“Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18-sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in si hoose loo xalliyay khilaafkii ka dhex taagnaa maamulkiisa iyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan u maleynaa Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid jiido, iyadana kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax sheeganayay isagana hoos baan uga heshiinnay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.

Horay maamulka Puntland ayaa u sheegay in aysan aqoonsaneen maamulka Galmudug, inkastoo 2-dii bishaan meel la’isugu keenay Madaxweynayaasha Labada dowlad gobaleed si loo xaliyo xiisado jiray.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW