U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Shirarka Siyaasadda Yaan Lagu Mashquulin Ee Bulshada Haloo Soo Jeesto

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa ku taliyay in aan dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada kaliya ku mashquulin shirarka siyaasadda ee ay u jeestaan shirarka la xiriira arrimaha bulshada iyo amniga guud ee dalka.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in sida hadda loo shirayo oo kale looga baahan yahay dowladda Federaalka, maamul gobaleedyada iyo beesha caalamka inay isku yimaadaan oo ay is weydiiyaan halka ay wax marayso waxbarashada dalka, caafimaadka, amniga iyo arrimo kale oo bulshada muhiim u ah.

“Shirarka siyaasadda ayaa aad loo daneeyaa, Soomaalida siyaasadda waxaan u maleynayaa in laga cuudin doono, waxaan rabnaa shirar sidaan oo kale ah oo la’isugu yimaado oo dowlad gobaleedyada iyo Muqdisho la’isugu tago oo laga hadlo waxbarashadii halkee ayeey mareysaa, manhajka aan dhiganno muxuu yahay oo sidaan oo kale beesha caalamka inta loo soo jeediyo laga hadlo, waxaan u baahannahay in laga hadlo oo la yiraahdo maanta waxaa Garoowe, Baydhabo, Cadaado ama Jowhar lagu qabanayaa shir looga hadlayo amniga Soomaalia, xagee maanta mareynaa, ciidamada AMISOM goorma ayeey baxayaan, innagu goorma ayaan isku tashan doonnaa, amniga sideen ka yeelnaa, cid walba sidaan oo kale usoo jeesato” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhawaan ay Al-shabaab kala wareegi doonaan degmada Bu’aale oo maamulkiisa u tahay xarrun.

Goobjoog News