U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Shisheeye Al- Kama Saari Karo Dalka shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ciidamo shisheeye oo dalka ku sugan aanay Al-shabaab dalka ka saari karin.

Waxa uu sheegay in ciidamada shisheeye ay dalka howlgallo muhiim ah ka hayaan balse waxa uu tilmaamay in aysan noqoneyn howlgalkaasi mid waligii iska socon doona.

Ciidamada Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay yihiin kuwa kaliya ee dalka xajin kara, ciidamada shisheeyana kaliya ay ku ekaan lahaayeen in Al-shabaab ay la jabiyaan.

“Ciidanka shisheeye ee dalka jooga imise sano oo kale ayuu dhiigiisa dalka ku daadin karaa, faa’ido miyaa ku jirta in maalin walbo ciidanka shisheeye magaalo kasoo baxaan, Al-shabaab ay dib u yimaadaan shacabka la dhibo hadane lagu laabto, dalka kaliya waxa ku nagaanaya waa kuwa Soomaaliyeed ee hala xoojiyo hana la taageero, ciidanka walaalaheena ah ee inoo soo gurmaday markaasi Shabaab wey nala riixi karaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalka madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xilli dhawaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay faarujiyeen deegaanno ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News