U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Waxaan Bilaabaynaa Howlgal Dib u Xoreyn Ah”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa degmada Dhoobley kaga dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay gaari doonaan ciidanka maamulkiisa deegaannada gacantooda ka maqan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay iney gaari doonaan degmooyin ay ka mid tahay Bu’aale oo ah xarunta Jubbaland, halkaasi oo sanado badan ay haystaan Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay iney ka go’an tahay xoreynta deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada ayuu faray iney ilaaliyaan shacabka, sidoo kalena aysan dhabarka soo aaddin Al-shabaab.

Waxaan Bilaabaynaa Howlgal Dib u Xoreyn Ah, ciidamadu ha ilaaliyaan shacabka, cadowgana ha iska celiyaan, Dhoobley waa meeshii aan ka bilownay halgankii dheeraa wuuna soconayaa

Jubbaland ayaa isku diyaarineysa howlgal ballaaran oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto Jubbooyinka iyo Gedo.

Goobjoog News