U bood dhigaalka

Axmed Mowliid “Si Wanaagsan Ayaa La Ii Soo Dhaweeyay”

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahan Kooxda Galmudug Axmed Mowliid Xuseen Guhaad ayaa Goobjoog u sheegay in Galmudug waqti wanaagsanaa ay ku jirto,ka dib markii ay wacdaro ku soo bandhigeyn garoomada Caasimada Muqdisho,isagoo sheegay in ay taa ku timid da’daalka ay sameeyeen Wasaarada Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug,sanadkan rajadooda ay tahay hanashada tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Ciyaaryahan Axmed waxa uu ka mid yahay dhallinyarada sanadkan ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada ee ka yimid qubraha,wuxuuna kooxda Galmudug kaga soo biiray Wadanka Finland,sidoo kale laacibkan waxaa dhalay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad.

“Waan u mahad celinaynaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug oo sanadkan nago bixiyay waqti iyo da’daal,waxaa la ii soo dhaweeyay si wanaagsan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Axmed Mowliid Xuseen Guhaad oo ka tirsan Kooxda kubbadda cagta Galmudug.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle