U bood dhigaalka

Axmed Siilaanyo “Waan Diyaarinay Wax Walba Oo La Xiriira Doorashooyin Ka Dhaca Somaliland”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay eedeyn dhawaan uga timid xisbiyada mucaaradka ah ee maamulkaasi, iyo qorshaha doorashooyin waqtigii lagu ballamay dhaca.

Siilaanyo ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan marnaba kasoo horjeedin doorasho dhacdo, sidoo kalena aanay ka hor imaanayn go’aan walba oo ka yimaada dhanka golaha Guurtida.

Waxa uu sheegay sidoo kale Madaxweynaha Somaliland in ay diyaariyeen wax walba oo looga baahan yahay doorashada, islamarkaana ku ixtiraamayaan howlaha doorasho guddiga doorashada.

“Waan diyaarinay wax walba oo la xiriira doorashooyin ka dhaca Somaliland, waxaan howlaha doorashooyinka ku ixtiraamaynaa guddiga ku shaqada leh, cidii xil u baahanna barxadda doorashada ha timaado” ayuu yiri Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo ayaa dhinaca kale iska fogeeyay eedeyn ah inay caburin ku hayaan xisbiyada kale ee ka jira Somaliland, waxaana warkaa uu ku sifeeyay inuu yahay mid dacayad ah.

Goobjoog News