Axmed Tigaana “ Puntland Waxay U Mahad Celinaysaa Ciyaartooyda Kooxda Melbourne”

Ciyaartooyda kooxda Melbourne ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay degmada taariiga ee Qardho ee maamulka Puntland,iyagoo sidoo kale howl lagu caawinayo dadka danyarta ka sameeyay isla magalaada waxaana booqashooda ka mahad celiyay maamulka iyo bahda ciyaaraha deegaanka

Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdisalaan ayaa u mahad celiyay maamulka iyo dhallinyarada kooxda melbourne oo marar badan halkaa u tagay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinino

Maamulka kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee melbourne ayaa iyagana la mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay maagalada waxayna intaa ku dareyn in hadafkooda u yahay in ay caawiyaan dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha Qardho.

Madaxda ciyaaraha maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qurbajoogta kale ay ku daysadaan kooxda reer Australia ee Melbourne

Si kastaba dhallinyarada iyo ciyaaryooyda deegaanada maamulka Puntland ayaa u mahad celiyay dhallinyarada qurbajoogta iyo kuwa ku sugaan deegaanada Puntland oo iminka ah kuwa isku dhaw sanad walba loo baahanyahay in la sii hormariyo arimaha horomarinta maamulka Puntland ayna ka sugayaan in ay casuumaan qurbajoogta kale.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanki Dhexmaray Kooxda Qardho FC iyo Melbourne

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW