U bood dhigaalka

Axmed Xaaji Fiqi oo Loo Magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir

Sheeko:Dalka

Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharixii madaxtinimo ee Galmudug ayaa maanta loo magacaabay xil cusub oo ah 2 todobaad uun kadib markii looga guuleystey codbixintii Cadaado.

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga siyaasiga ah ee Daljir ayaa u qornaa sida soo socota

Ka dib markii uu xoghayihii guud ee xisbiga Dajir Mudane Xasan Xaaji Ibraahim ka degay xilkii uu soo hayay muddo toddoba bilood ah, ayaa hoggaanka sare ee xisbiga waxa uu xilkaasi u mamagacaabay Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Munaasabad ka dhacday Xarunta dhexe Daljir ee Magaalada Muqdisho 12kii Luulyo 2015 ayuu Mudane Fiqi kula wareegay howshii loo igmaday.

Xoghayaha Xilka ka degaya ayaa falanqayn ka bixiyay howlihii baaxadda lahayd ee uu soo qabtay tan iyo intii uu xilka soo hayay, una mahadceliyay dhamaan xubnaha xisbiga, xoghayayaasha xafiisyada iyo hoggaanka Daljir sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen, taasoo aanay la’aanteed suurta gal ahayn ina la qabto howlaha noo qabsoomay, kulana dardaarmay kaadiriinta xisbiga inay si haga la’aan ah u garab istaagaan Xoghaye cusub.

Xoghayaha Cusub mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay xoghaye Xasan Xaaji kuna amaanay howshii wacnayd ee uu soo qabtay iyo duruufihii adkaa ee uu ku soo shaqeeyay intaba, kana codsaday in uu halkiisii ka sii wado taageerada iyo howlaha xisbiga, ballan qaadayna inuu dar dar gelinayo howlaha hor yaalla, dhamaystirayana shaqada qabyada ah ee taalla, Xoghaye Fiqi ayaa ka hadlay himilada Xisbiga iyo sida uu uga mira dhalin doono ulana imaan doono waxqabad muuqda, isagoo kula dardaarmay golaha fulinta ee xisbiga in loo shaqeeyo qaranka.

Goobjoog News